HomeUncategorized

SAWIRRO-Madaxweynaha dowladda Puntland oo lagu soo dhoweeyey Shiinaha.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ugu anba baxay dalka Chaina ayaa si diirran loogu soo dhoweeyey caasimadda dalkaasi ee Shanghai.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Qaabilay Madaxa UNDP ee Soomaaliya
DHEGEYSO-Khudbaddii munaasabadda 1-da Aug ee Madaxweyne Gaas.
Baahin: Isniin, Mar 05, Maxamed C. Kooshin ~ Daljir ~ Garowe. Gen. C/llahi S. Samatar oo ugu baaqay xukuumada Puntland in ay diyaariso doorashooyinka 8-da Janaayo, 2013; Dallada suxufiyiinta Puntland ee MAP oo cambaaraysay caburinta & dilalka suxufiyiinta; Jibuuti oo beenisay in askar ka tirsan ciidankeeda ku sugan Muqdisho la dilay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ugu anba baxay dalka Chaina ayaa si diirran loogu soo dhoweeyey caasimadda dalkaasi ee Shanghai.

Madaxweynaha waxaa safarka ku weheliya masuuliyiin ka tirsan Golayaasha Dawladda Puntland, masuuliyiin ka tirsan hay’adaha dawladda iyo saraakiil ka mid ah madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo wafdigiisa waxaa soo dhoweyntooda ka qayb qaatay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Wasaaradda Ganacsiga ee Dawladda Chaina.

Madaxweynaha ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona masuuliyiinta Dawladda Chaina iyagoo ka wada hadli doona wanaajinta xiriirka Dawladda Puntland iyo Dawladda Chaina, sidoo kale waxay isla soo qaadi doonaan sidii Dawladda Chaina ay mashaariic horumarineed uga fulin lahayd deegaanada Dawladda Puntland.

Ugu danbayn, wafdiga Madaxweynaha Dawladda Puntland  waxaa ay maalmaha soo socda ku sugnaan doonaan caasimadda dalka Chaina ee Shanghai, wuxuuna safarkani qayb ka yahay qorshayaasha lagu adkaynayo xiriirka Dawladda Puntland kala dhexeeya dunida inteeda kale.

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

img-20161017-wa0027 img-20161127-wa0009 img-20161127-wa0010 img-20161127-wa0011 img-20161127-wa0012 img-20161127-wa0013 img-20161127-wa0014 img-20161127-wa0016 img-20161127-wa0017 img-20161127-wa0018

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: