HomeUncategorized

Beesha caalamka oo baaq u dirtay maamulada kajira Soomaaliya.

Nairobi, Nov 25 2016-War Qoraal ah oo si wadajir ah ay u soo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Ethiopia, Midowga Yurub, IGAD ,Italy, Sweden, Ingariiska, iyo Mareykanka ayaa lagu amaanay Maamulka Jubbaland oo soo dhameystiray Doorashada Aqalka Hoose.

Baahin: Isniin, March 14, Weriye Xaliima Sacdiya ~ Daljir ~ Garowe. Laascaanood: Guddoomiyihii maxkamadda darajada koowaad ee Laascaanood oo la dilay … Muqdisho: Madaxwayne Shariif oo booqday baraha ciidamada islamarkaana bogaadiyay doorka AMISOM … Garbahaaray: Dagaallo kharaar oo ka socda degaanno ka mida gobolka Gedo … Gaalkacyo: Dab qabsaday xero ay daganaayeen barakacayaal, khasaare badanna dhaliyay …
DHEGEYSO-Barnaamijkii saaka iyo dunida iyo Maxamed Laki Man.
DHAGAYSO:Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo wariye Haykal

Nairobi, Nov 25 2016-War Qoraal ah oo si wadajir ah ay u soo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Ethiopia, Midowga Yurub, IGAD ,Italy, Sweden, Ingariiska, iyo Mareykanka  ayaa lagu amaanay Maamulka Jubbaland oo soo dhameystiray Doorashada Aqalka Hoose.

Sidoo kale saaxiibada Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen hadii Maamulada kale ee dalka ka jira sidan oo kale ay u soo dhameystiraan in Doorashada Soomaaliya ay noqoto mid sanadkan gudhiisa ku dhacda.

“Marka waxaan hambalyo leenahay Maamulka Jubbaland oo noqday Maamulkii ugu horeeyay ee soo dhameystira kuraasta Golaha shacabka, waad mahadsan tihiin ayaan leenahay Jubbland oo waqti badan ku bixiyay sidii Doorashada Soomaaliya waqtigeeda ay ugu dhici laheyd” Ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka ka soo baxay Beesha Caalamka.

Ugu dambeyntii War-saxaafadeedka ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa loogu baaqay Maamulada Puntland, Galmudug, koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle in ay soo dhameystiraan Doorashada Aqalka Hoose, si loo guda galo Doorashada qeybaheeda kale.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: