Somaliland oo laga helay kisaas cusub oo Covid-19 ah

HomeWararka

Somaliland oo laga helay kisaas cusub oo Covid-19 ah

Soomaaliland ayaa Maanta oo Talaado ah shaacisay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaas oo baaritaano lagu sameeye

Madaxweynaha Galmudug oo ka tacsiyadeeyay dilka loo geystay Abwaan Badal
Sheekh Siciid Axmed Faarax iyo wacyi gelinta Covid19 waa halis bulshooy! (daawo)
Ra’iisul Wasaare Rooble oo adkeeyey dagaalka ay Xukuumaddu ku wajahayso musuqmaasuqa

Soomaaliland ayaa Maanta oo Talaado ah shaacisay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaas oo baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay Cudurka COVID-19 halka dad horleh ay u geeriyooeen.

War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in dadkii la baaray in 14 qof kamid ah Cudurka laga helay,kuwaas oo haatan ku jira xaalad karantiil ah.

Sidoo kale Guddiga waxaa ay sheegeen in laba Ruux oo horleh oo ku sugnaa Magaalooyinka hargeysa iyo Boorama ay Cudurka u dhinteen taas oo dadka deegaannada Soomaaliland ugu dhintay COVID-19 ka dhigeysa 17 Ruux.

Ugu dambeyn Guddiga waxaa ay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaannada Soomaaliland ay gaartay 217 Ruux 8 Ruux ay ka bogsoodeen halka 17 qof ay u geeriyoodeen.\

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: