HomeUncategorized

Puntland oo fariin u dirtay Soomaalida dhalinyaradu uga xirantahay dalalka caalamka.

Garoowe, Nov 18 2016-Xafiiska ladagaalanka burcad-badeeda ee dowladda Puntland ayaa soobandhigay xog ku saabsan dhalinyarada Soomaaliyeed eek u xiran caalamka, wuxuuna waalidiinta ugu baaqay in ay la xiriiraan xafiisyada xuquuqda aadanaha ee dalalka dhalintoodu ku xiran yihiin.

Waftigii Khaatumo ee loo diiday garoonka Galkacyo oo u kicitimay Caabudwaaq.
Wasiirada warfaafinta ee Puntland & Federaalka oo dhaleeceeyey qarixii is-miidaamiska ahaa ee madaarka Adam Cadde ee Muqdisho.
Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Maanta Kulan Laqaatay Bulshada Rayidka Ah Ee Magalada Boosaaso

Garoowe, Nov 18 2016-Xafiiska ladagaalanka burcad-badeeda ee dowladda Puntland ayaa soobandhigay xog ku saabsan dhalinyarada Soomaaliyeed eek u xiran caalamka, wuxuuna waalidiinta ugu baaqay in ay la xiriiraan xafiisyada xuquuqda aadanaha ee dalalka dhalintoodu ku xiran yihiin.

Sida la wada ogsoonyahay dhallinyaro Somaliyeed oo tiradoodu kun (1000) gaarayso ayaa ku xiran kow iyo labatan (21) dal oo ka baxsan Somaliya,, kuwaas oo ku eedaysan fal-dambiyeed Burcad-badeednimo.

La dhaqanka iyo daryeelka nololeed ee maxaabiistaas ayaa wadamadu ku kala duwanyihiin, oo qaar si wanaagsan oo bini’aadnimo leh ula dhaqmaan iyagoo dhawraya, Xeerka  Qaramada Midoobay ee daryeelka Maxaabiista (UN Standard Rules for the treatment of Prisoners), halka wadamada qaarkoodna ay siday doonaan ula dhaqmaan

Waxaa maalmahan dambe qaylo dhaan arintaas dayaca ahi ka soo yeeraysey oo si toos ah iila soo hadlayey maxaabiista ku xiran dalalka Cumaan iyo Yemen.

CUMAN – Wadanka Cumaan waxaa ku xiran 34 dhallinyaro ah oo xukunkoodu u dhaxeeyo 10 – 25, waxaa xukunkoodu dhacay sanadkii 2011. Dhallintaasi waxay ii sheegeen, in loo sheegay, in dawladda Cumaan ay diyaar u tahay inay Soomaliya u soo wareejiso haddii ay helaan dawlad danaynaysa muwaadiniintooda.

YEMEN – Sidoo kale, lix (6) Somali ah oo dil lagu xukumay ayaa ku xiran Yemen oo sida ay ii sheegeen ku xiran Xabsi dhulka hoostiisa ah. Waxay ii sheegeen in Xukumadda ka talisa halka ay ku xiran yihiin ay cafis u fidisay, diyaarna u tahay inay Somaliya u soo wareejiso, haddii ay helaan dawlad kala wareegta. Waxay dhallintaasi si gaar ah uga cawdeen Safirka Somaliya u fadhiya Yemen oo ay ku eedeeyeen IN UU LACAG WAYDIISTAY ($7500 Qofkiiba), ka dib markay ka codsadeen inuu dawladda Yemen kala hawlgalo sidii dhallintan Somaliya loogu wareejin lahaa.. 

INDIA – Tiro boqol iyo labaatan (120) ah ayaa Mumbai, India ku xirnayd ilaa iyo 2012. Tirada imminka ku xiran ayaa ah 118. Labo maxbuus ayaa dhawaan dhintay, sababo la xiriira Caafimaad darro, sida ay waalidiintoodu ii soo sheegeen.

Hadaba talada aan siinayo Waalidiinta dhallintaas, xaasaskooda iyo carruurtooduba waxay tahay, maadaama aan CIDINA U MAQNAYN, CEELNA U QODNAYN, DWAWLAD U DAMQANAYSANA aysan hadda jirin, in ay is-uruusadaan, intii markaas is heli karta, si wadajir ahna ay cabashadooda ku aadan SOO WAREEJINTA MAXAABIISTA ugu soo gudbiyaan Xafiiska Xuquul Insaanka iyo hay’adaha ku shaqo leh. Waxay kaloo la soo xiriiri karaan Xafiiskayga, si aan isugu xiro, iyaga  iyo Xafiiska Xuquuqul Insaanka, si loo maqlo cabashadooda.   

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: