DHEGEYSO-Madaxweyne Xasan Sh oo 20 Nov shir ka furaya Muqdisho.

Muqdisho, Nov 18 2016-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo bartiisa Facebook Muuqaal kooban soo dhigay ayaa wuxuu sheegay in Magaalada Muqdisho uu ka furmi doono shir-weyn oo la yiraahdo tallo-Qaran oo lagu qaabeeynayo tallooyinka Soomaaliyeed ee dalka iyo debadba laga soo ururiyey ee noqonaya howalaha dowladda cusub ee 2016-2020 laga sugayo ee ay dadka Soomaaliyeed ku tallo bixiyeen.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay soo gudbiyaan fikradaha dalka lagu hormarin karo.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com