Xubno ka tirsan Xafiiska Midowga Yurub ee Somalia oo laga helay Coronavirus

Xubno ka tirsan Xafiiska Midowga Yurub ee Somalia oo laga helay Coronavirus

Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in 3 xubnood oo ka mid ah xafiiskaas laga helay cudurka Coronavirus, taasoo noqoneysa markii u horeysay.

Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Berlanga ayaa sheegay in saddex xubnood oo xafiiskooda ka tirsan la karantiil, lana geeyay meel gaar ah.

Mr Berlanga ayaa sheegay in saddexdaas xubnood lala tacaalayo xaaladooda caafimaad, sidoo kale waxaa uu xusay in la karantiilay dadkii ay la kulmeen ama ay la xiriireen.

Sidoo kale Wakiilka ayaa sheegay inay qaadan doonaan tallaabooyinka ay soo saartay Hey’adda Caafimaadka adduunka ee lagu badbaadinayo dadka qaba cudurkan iyo shaqaalaha kale ee Xafiiska Midowga Yurub.

Xarunta Xalane oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada AMISOM iyo Safaaradaha shisheeye ayaa dhowaanahan waxaa laga helay kiisas ku saabsan Covid-19, waxaana horay looga helay shaqaale ka tirsan Xafiiska Qaramada Midoobey, sidoo kale askari ka tirsan AMISOM oo ka socda Uganda ayaa isagana laga helay cudurkan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com