Xildhibaano Mooshin ka keenay Guddoomiyaha Barlamaanka Hiirshabele

Xildhibaano Mooshin ka keenay Guddoomiyaha Barlamaanka Hiirshabele

66 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle ayaa Mooshin ka gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi Sheekh Cismaan Barre Maxamed.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayay ku eedeeyeen ku takfal Awoodeeda iyo in uu sidoo kale ku fashilmay qabsoomida kulamada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Waxa ay sidoo kale ku eedeeyeen in uu faragalin joogto ah uu ku haayo laanta fulinta, islamarkaana uu xoogeystay Khilaafka kala dhaxeeya Madaxda Hirshabeelle.

Xildhibaanada ayaa xusay in uu jabiye Gudoomiye Barre Dastuurka maamulka Hirshabeelle, islamarkaana xilka qaadis lagu sameeyay Wasiiro ka tirsan Hirshabeelle uu diiday.

Gudoomiye Barre ayay ka dalbadeen in uu baarlamaanka hor keeno xisaab xirka lacago loogu tala galay baarlamaanka maamulka Hirshabeelle oo uu lunsaday.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com