Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida Cumar Cabdulle Shooli

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida Cumar Cabdulle Shooli

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Fannaankii weynaa Cumar Cabdulle shooli oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa tacsi u diray qoyskii,eheladii,asxbtii,Hobalada waaberi iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cumar Cabdulle Shooli oo ka tirsanaa Hobolada Qaranka ee Waaberi,isagoo Alle uga baryay in uu Jannadiisa ka waraabiyo.

Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay la xanuunsanayay xanuunka Macaanka(Sokorta), isagoo ugu dambeyna xalay ugu geeriyooday isbitaalka Yardameeli ee magaalada Muqdisho sida uu Radio Muqdisho u xaqiijiyay Axmed Cumar Shooli oo ah wiil uu dhalay Marxuumku.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com