HomeUncategorized

Safaaradda Maraykanka ee Nairobi oo joojisey shaqadii qunsuliyadda.

Nairobi, Oct 29 2016--Dowladda dalka Maraykanka ayaa sikumeel gaar ah u xidhay safaaradeedii magaalada Nairobi, maalin kadib markii uu weerar mindi loo adeegsaday ku qaaday in Soomaali ah.

3 dhimasho ah & 10-neeyo dhaawac ah oo uu sababay iska-horimaad hubaysan oo ka dhacay Galkacyo.
Wasiirka Caafimaadka Puntland oo ka warbixiyay Shir uu kaga Qayb-galay Kuwait
Golaha wasiirrada federaalka oo maanta shir aan caadi ahayn ku yeeshay Muqdisho, warbixin safareed dheerna ka dhagaystay R.wasaare Gaas, (War-saxaafadeed).

Nairobi, Oct 29 2016–Dowladda dalka Maraykanka ayaa sikumeel gaar ah u xidhay safaaradeedii magaalada Nairobi, maalin kadib markii uu weerar mindi loo adeegsaday ku qaaday in Soomaali ah. 

Maalinkii shalay ayaa war kasoo baxay dowladda Maraykanka lagu sheegay in saaraddu ay xirantahay, iyadoo la joojiyay adeegyadii Qunsuliyada, balse adeegyada deg deg ah ee ay u baahan yihiin muwaadiniinta Mareykanka in la heli karo. 

Safaaradda ayaa sheegtay in Safaaradda xirnaan doonto ilaa 31 bishan, waxaana tilmaamtay in aanay jirin waxyeelo shaqaalaheeda iyo muwaadiniin Mareykan ka soo gaaray dhacdadii shalay. 

Laamaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa sheegay in ninka weerarka mindida loo adeegsaday kusoo qaaday safaaradda uu ahaa nin kasoo jeedey magaalada Mandheera ee waqooyi Bari Kenya.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: