Dhagayso Waxgaradka Cali Saleebaan ee Muqdisho jooga oo baaq u diray Beel-daajahooda Iyo Guddiga Doorashada

Muqdisho, Oct, 29, 2016 – Waxgaradka iyo aqoonyahannada beesha Cali Saleebaan ayaa shir wadajir ah oo ay ku qabteen Muqdisho waxay kaga hadleen sida ay ula muuqato xulitaanka ergada beesha oo muran ka taagnaa muddooyinkii ugu dambeeyay, waxaana ay Beeldaajaha beesha ay ugu baaqeen in tixgaliyo cabashada Nabadoonnada, si simanna loo gudbiyo ergada beesha u dooranaysa xildhibaanka.

Waxgaradkaan shirkooda waxay diirada ku saareen in aanan la aqbali karin, wax laga xumaadana ay tahay in Beeldaajuhu uu talada qadiyo nabadoonnada beesha, iyo in ergo aanan laga tashanin loo gudbiyo guddiga doorashada dad-ban ee heer maamul-gobolleed.

Gabagabadii shirka waxaa kasoo baxay bayaan ay u dirayaan Beeldaajaha iyo Guddiga Doorashada, kaasi oo lagu taageerayo shirar ay horay Gaowe ugu qabteen Nabadoonno, aqoonyahanno, siyaasiyiin, musharaxiin, iyo dhalinyaro, kuwaasi oo dhammaantood dacwad ka muujiyay ergada beesha ee la gudbiyay.

Hoos ka dhagayso cododkii waxgaradkii Muqdisho shirka ku qabtay


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com