HomeUncategorized

Maxaa kasoo cusboonaaday qabsashadii Daacish ee degmada Qandala.

Qandala, Oct 27 2016--Malayshiyaad katirsan kooxda Daacish ayaa lagu soo waramayaa inay saaka maalinkii labaad kusugan yihiin degmada Qandala ee gobolka Bari oo ay shalay qabsadeen.

Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Dareenada Reer Awdal Ee Xill Kordhinta Rayaale?
Baarlamaanka Puntland oo taageeray Dastuurka cusub ee Jubbaland.(Dhegayso)
Brussels oo uu ka dhacay shir lagu gorfeeyey la dagaalanka burcad-badeeda.

Qandala, Oct 27 2016–Malayshiyaad katirsan kooxda Daacish ayaa lagu soo waramayaa inay saaka malayshiyaadkii Daacish ay ka bexeen degmada, walow ay joogaan deegaamo miyi ah oo ka agdhow.

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka degmadaasi ayaa xalay ku guuldaraystay inay demada ka saaraan malayshiyaadkaasi, kadib markii dadka intiibadbayd ka barakeceen.

Kooxda qabsatay Qandala ayaa odayaasha ka diidey inay si nabad ah uga baxaan, waxaana warar hoose sheegayaan inay u sheegeen in ujeedkoodu yahay sidii ay dadka deegaanka diinta Islaamka ugu maamuli lahaayeen, sida ay hadalka u dhigeen.

Warar hoose oo ilaa xalay soo baxayey ayaa sheegayey in dowladda Puntland ay tallaabo ciidan kaga jawaabayso dhaqdhaqaaqyada ay Daacish kawado Qandala.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: