Xurguftii madaxweyne Gaas iyo Cabdisamad Gallan oo maanta lasoo afmeerayo.

Carmo, Oct 27 2016–Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu soo waramayaa inuu socdaal kuyimaad degmada Carmo ee gobolka Bari. 

Ujeedka socdaalka madaxweynaha ayaa salka kuhaya ka qaybgalka munaasabad lagu soo afmeeri doono xurguftii siyaasadeed ee kadhexjirtey xukuumadda Puntland iyo gudoomiyihii hore ee gobolka Bari oo gedood sameeyey. 

Degmada Carmo waxaa ilaa shalay gaarey gudoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan, wasiiro katirsan xukuumadda Puntland iyo dadweyne ka kala yimid gobolada Puntland.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com