Madaxweynaha Gamudug oo Xaaf kusoo dhaweeyey duleedka Godinlabe

HomeWararka

Madaxweynaha Gamudug oo Xaaf kusoo dhaweeyey duleedka Godinlabe

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmer Cabdi Kaariye (QoorQoor) iyo kuxigeenkiisa ayaa Duleedka Godinlabe waxaa ay kusoo dhaweeyeen Madaxweynihii hore e

Wacaal daray ah: Madaxweynaha Galmudug oo ku dhawaaqay Golihiisa Wasiiradda Cusub
RW Rooble oo Kulan Muqdisho kula qaatay Wakiilo ka socda Beesha Caalamka (Sawiro)
Qaramada Midoobay (UN) oo Sacuudiga ku Eedaysay Xasuuqii Soomaalida ee Badda Yeman

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmer Cabdi Kaariye (QoorQoor) iyo kuxigeenkiisa ayaa Duleedka Godinlabe waxaa ay kusoo dhaweeyeen Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Xaaf ayaa shalay Gelinkii dambe waxaa uu socdaal dhinaca dhulka ah uga soo mababaxay Magaalada gaalkacyo,isaga oo xalay ku hoydey Magalaada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ugu dambeyn ogolaaday in uu xilka wareejiyo maadaama lagu guuleestay xalinta tabasho uu ka qabay doorashadii dhowaan Dhacday.

Soo dhaweynta Xaaf ee duleedka deegaanka Godinlabe ayaa waxaa sidoo kale Goobjoog ka ah Xildhibaano uu kamid yahay Mahad Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo madax kale.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Madaxweynaha Galmudug Axmer Cabdi Kaariye (QoorQoor) ,Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Xubnaha kale inay safar dhinaca dhulka ah ku tagaan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: