HomeUncategorized

Dhagayso Labo wasiir oo Galmudug iska casilay

Cadaado, Oct, 23, 2016 - Wasiiru dowladaha Wasaarada Qorsheynta Galmudug Cabdiraxman Maxamed Cisman (Sayruuq) ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilkii uu u hayay Maamulka Galmudug. Xilli uu maanta Saxaafada kula hadlay Magaalada Cadaado ayuu sheegay in uu iska casilay Xilkii uu u hayay maamulka Galmudug oo uu sheegay in ku dhawaad halsano iyo bar uu xilkaasi hayay.

Qaaradda Africa oo markii ugu horeysey yeelatay hal baasaboor.
DHAGAYSO:Barnaamijkii Saaka iyo Dunida_Axad_03
Baahin: Arbaca, June 12 2013, Caawa Iyo Daljir Weriye Abdirahman M Hajji ~ Daljir ~ Garoowe

Cadaado, Oct, 23, 2016 – Wasiiru dowladaha Wasaarada Qorsheynta Galmudug Cabdiraxman Maxamed Cisman (Sayruuq)  ayaa  shaaca ka qaaday  inuu iska casilay xilkii uu u hayay Maamulka Galmudug. Xilli uu maanta Saxaafada kula hadlay Magaalada Cadaado ayuu sheegay in uu iska casilay Xilkii uu u hayay maamulka Galmudug oo  uu sheegay in ku dhawaad halsano iyo bar uu xilkaasi hayay.

Cabdiraxman Maxamed Cisman ayaa sheegay in awoodii maamulka  ay gacanta u jirto shaqsiyaad gaar ah ,kuwaa soo ku sugan magaalada Cadaado.



Dhinaca Kalana Wasiir ku xigeenka wasaarada deegaanka ee maamulka Galmudug Cabdifitaax Maxamuud Axmed oo isna Saakay la hadlay Qaar kamid ah Idaacadaha Somalida ayaa sheegay in uu iska casilay shaqadii uu  u hayay maamulka Galmudug.



Wasiirka ayaa sheegay in sababta  uu shaqada iskaga casilay ay tahay mid la xariirta arimo shaqsiyadeed. Waa Wasiirkii labaad oo muddo 24 saac gudahooda sheegaya in uu iska casilay xilkii uu u hayay maamulka Galmudug. Wasiiro Badan oo ka tirsan maamulka Galmudug ayaa horay u shaaciyay in ay iscasileen  Qaarkoodna waxa ay ku eedeeyeen Madaxweynaha maamulka Galmudug in uusan bixin dhaqaalihii loogu tala galay in ay ku shaqeeyaan wasaaradahooda.

Hoos ka dhagayso Hadalkii Wasiirka

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: