Taliyihii Booliska Degmada Afgooye oo Qarax Miino lagu dilay

HomeWararka

Taliyihii Booliska Degmada Afgooye oo Qarax Miino lagu dilay

Taliyihii Booliska Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeeladda Hoose Marxuum Abdikadir Nuurow ayaa ku dhintay qarax miino. Qaraxa ayaa lagula eegtay de

Madaxwayne Farmaajo oo shacabka Muqdisho usoo jeediyay ka shaqaynta amaanka
Ra’iisul wasaare Khayre iyo madaxwaynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo kulmay (sawiro)
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

Taliyihii Booliska Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeeladda Hoose Marxuum Abdikadir Nuurow ayaa ku dhintay qarax miino.

Qaraxa ayaa lagula eegtay degaanka Xaawa Cabdi ee duleedka Dagmada Afgooye.

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Cali Aadan ayaa xaqiijiyay geerida taliyaha, waxaana uu sheegay in laamaha Ammaanka ay waddaan baaritaano.

“Alle ha u naxariisto Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada Afgooye Captan Cabdiqaadir Cismaan Nuunow iyo Mujaahidiinti la socotay ee galabta ku shahiiday qarax argagixisada ay la eegteyn gaari ay saarnaayeen, janada fardowso allaha ka waraabiyo Aamin Aamin” ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: