HomeUncategorized

Saraakiil ka tirsan ururka Al-Shabaab oo weerar cirka ah lagu dilay

Wararka ka imanaya gobolka Jubbada hoose ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in duqeyn cirka ah lagu dilay saraakiil ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

“Isu geyn waa rag 400 ku dhaw oo 3 meelood kala degan; toban nin ayaa ku jira (Pakistan, Ingiriis, Madow)” C/aqadir Maxamed oo ka mid ah dadka deggan Galgala, goobjoogna u ahaa dagaalkii Galgala (VOA).
Ciidamada badda Midowga Yurub oo duqeeyay fariisimo burcadbadeedu ku leeyihiin berriga
Bileyska Puntland oo wali baaritaan ku haya labo diyaaradood oo galabta lagu qabtay Galkacyo.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Kanjaroon, iyadoo ay fulisay weerarka  diyaaradaha aan duuliyaha lahayn

Sarkaal lagu magacaabo Bashiir Dheere oo ahaan jiray taliye ku xigeenka maleeshiyaadka Al-Shabab ee gobolka Jubada hoose iyo seddex sarkaal oo kale ayaa lagu dilay weerarkaasi.

Qoraal ka soo baxay xafiiska taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in afartan sarkaal lagu dilay weerar isdifaacid ahaa oo dhinaca cirka ah, kadib marki ay Al-Shabab weerar ku qaadeen ciidamada Soomaaliya iyo iyo la taliyeyaal Mareykan ah oo ku sugnaa duleedka magaalada Kismaayo.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0