HomeWararka

Wasiirkii amniga Jubbaland oo xabsiga Muqdisho ka baxsaday

Taliye Kuxigeenka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen ayaa goor dhow shaacisay in Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Janan uu ka baxsaday

Midowga Afrika oo ka soo jawaabay Codsi ay u gudbisay Dawladda Federaalka Soomaaliya
Shacabka Garoowe,”Puntland Danteeda Gorgortan Cidna Kula Gelimayso” (dhegayso)
Tababarka Waxbarsahda Madaniga ee dib-u-eegista Dastuurka oo Garoowe ku soo xirmay

Taliye Kuxigeenka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen ayaa goor dhow shaacisay in Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Janan uu ka baxsaday xabsi uu ku xirnaa.

Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay ku sheegtay in hey’addaha amniga ay ku raad-joogaan C/rashiid Janan oo ka baxsaday halkii uu ku xirnaa.

Lama oga halka uu ku xirnaa C/rashiid Janan, inkastoo warar soo baxayay ay sheegayeen in lagu hayay xarunta qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Waxaa ay ugu baaqday shacabka inay soo sheegaan haddii ay arkaan, iyadoo xustay inuu yahay dambiile loo heysto dambiyo kala duwan.

Dhamaadkii Bishii Agosto ayay aheyd markii Ciidamada Booliska ay ka xireen garoonka diyaaradaha C/rashiid Janan oo ka yimid magaalada Kismaayo, iyadoo la soo taagay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0