Beesha Caalamka iyo DFS oo kawada hadlay Arrimaha doorashooyinka

HomeWararka

Beesha Caalamka iyo DFS oo kawada hadlay Arrimaha doorashooyinka

Kulankan ay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS iyo Guddiga Hinddise Sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka u xilsaaray Aqalka Sare ayaa kulan Wadajir a

Puntland oo Xaflad dhiiri galin ah Garowe ugu samaysay Xulka Kubada Cagta Puntland (dhegayso)
Farriin Siyaasadeed: Farriinta Ammaanka ee Musharrax Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni
Caawa & Daljir iyo c.xakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)

Kulankan ay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS iyo Guddiga Hinddise Sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka u xilsaaray Aqalka Sare ayaa kulan Wadajir ah waxa ay la yeesheen safiirada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya ,

Kulanka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay Doorashada 2020-2021 la filayo in ay qabsoonto qaabka ay u dhacayso , Ansixinta Hindise sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka oo haatan horyaala Golaha Aqalka sare , in loo baahan yahay dib u heshiisiin si Dadka Soomaaliyeed oo mid ah ay u dareeraan doorasho.

Dhinaca kale Guddiga Hinddise Sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka u xilsaaray Golaha Aqalka Sare ayaa kulan la qaatay guddiga doorashooyinka Qaranka ,Goobta kulanka ka dhacayay ayaa qodob qodob loo dul istaagay Hinddise sharciyeedka Doorashooshinka qaranka ,

Kulanka markuu soo gaba gaboobay ayaa Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliima Yarey) waxa ay sheegtay in Guddiga ay sharaxeen qodobada hinddise sharciyeedka , 2021 loo balansan yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho ,

Sen, Maxamed amiin Sheeq Cusmaan guddoomiyaha Guddiga Hinddise sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka u xilsaaray Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in ay wadaan latashiyo iyo xog uruurin dhanka hindise sharciyeedka doorashooyinka sanad ka dib lagu wado in ay dalka ka dhacaan

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0