Meydka Qassem Soleimani oo la geeyey magaalada Kerma

Meydka Qassem Soleimani oo la geeyey magaalada Kerma

Meydka Jeneraal Qassem Soleimani ayaa la geeyey magaaladii uu ku dhashay ee Kerman, si halkaasi loogu aaso.

Magaalada Kernan ayaa lagu wadaa in aas qaran loogu sameeyo Jeneraal Qassem Soleimani, aaskaasi oo ay ka soo qeyb geli doonaan madaxweynaha dalka Iran Hassan Rouhan, hogaamiyaha ruuxiga ah ee Ayatollah Ali Khamenei iyo kumanaan dadweyne.

Naxashka Meydka Qassem Soleimani ayaa la suray calanka wadanka Iran.

Qassem Soleimani ayaa ku dhashay, kuna soo bar-baaray magaalada keman ee Koofurta Iran.

Jeneraal Qassem Soleimani ayaa ka shaqo bilaaway magaalada kerman isagoo 13 sano jir ah, si uu u caawiyo qoyskiisa oo ka soo jeeday qoys sabuul ah.

Waxa uu ciidanka milatariag Iran Jeneraal Qassem Soleimani uu ku biiray sanadkii 1979.

Jeneraal Qassem Soleimani ayaa qeyb libaax leh ka qaatay dagaalkii u dhexeeyey Iran iyo Ciraaq sanadkii 198.

 

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.com.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com