Al-shabab oo sheegatay in ay lawareegeen  degaanka Goofguduud

HomeWararka

Al-shabab oo sheegatay in ay lawareegeen degaanka Goofguduud

Kooxda A-shabaab ayaa sheegtay in ay guul ka gaaray dagaal ay Ciidamada dowlad Goboleedka Koofur Galbeed kula galeen degaanka Goofguduud Buurey ee dul

Madaxwaynaha Puntland oo soo dhoweeyey Khayre (daawo)
Dowladda federaalka oo maamul gobaleedyada ugu deeqaysa dhaqaale looga hortago Covid19
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Garoowe (dhegayso)

Kooxda A-shabaab ayaa sheegtay in ay guul ka gaaray dagaal ay Ciidamada dowlad Goboleedka Koofur Galbeed kula galeen degaanka Goofguduud Buurey ee duleedka Magaalada Baydhaba.

Weerarka oo ay ku sheegeen Al-shabaab in uu ahaa mid aroortii ay qaadeen ayey ku sheegeen in ay ku dileen 8 ka mid ah Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Maamulka Koofur Galbeed wali kama hadlin sheegashada Al-shabaab ee la xiriirta dagaalka ka dhacay Goofguduud Abooreey oo Baydhaba u jirta 30km oo kaliya.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer sidan oo kale u weerartay degaankaas waxaana ka dhashay khasaare kala gaaray labada dhinac ee ku dagaallamay.

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/Xasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa dhiggiisa Hirshabeelle heshiis kula galay Magaalada Baydhaba.

Heshiiskaas ayaa dhigayay in labada Maamul iska kaashadaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab,wadaagaan xogaha dhinaca amaanka ah iyo in ay ka wada shaqeeyaan furtaanka waddooyinka ay go’doomiyeen AL-shabaab.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: