Al-shabab oo sheegatay in ay lawareegeen degaanka Goofguduud

Al-shabab oo sheegatay in ay lawareegeen  degaanka Goofguduud

Kooxda A-shabaab ayaa sheegtay in ay guul ka gaaray dagaal ay Ciidamada dowlad Goboleedka Koofur Galbeed kula galeen degaanka Goofguduud Buurey ee duleedka Magaalada Baydhaba.

Weerarka oo ay ku sheegeen Al-shabaab in uu ahaa mid aroortii ay qaadeen ayey ku sheegeen in ay ku dileen 8 ka mid ah Ciidamada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Maamulka Koofur Galbeed wali kama hadlin sheegashada Al-shabaab ee la xiriirta dagaalka ka dhacay Goofguduud Abooreey oo Baydhaba u jirta 30km oo kaliya.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer sidan oo kale u weerartay degaankaas waxaana ka dhashay khasaare kala gaaray labada dhinac ee ku dagaallamay.

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/Xasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa dhiggiisa Hirshabeelle heshiis kula galay Magaalada Baydhaba.

Heshiiskaas ayaa dhigayay in labada Maamul iska kaashadaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab,wadaagaan xogaha dhinaca amaanka ah iyo in ay ka wada shaqeeyaan furtaanka waddooyinka ay go’doomiyeen AL-shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com