Al-shabaab oo weerar khasaare gaystay ku qaaday saldhiga Hiilweyne ee degmada Balcad

Al-shabaab oo weerar khasaare gaystay ku qaaday saldhiga Hiilweyne ee degmada Balcad

Waxa ay faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxaysaa weerar ay Al-shabaab ku qaadeen xalay saldhig ciidamada dowladda ay ku lahaayeen degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa dhowr jiho ka weeraray xerada Hiilweyne, halkaasoo ay xarun u aheyd Ciidamada Xoogga dalka.

Khasaaraha weerarkan ayaa la soo sheegayaa in uu yahay dhimashada afar ruux oo rayid ah oo labo ka mid ah ay ahaayeen dumar.

weerarkan ayaa sidookale waxaa ku dhintay  askari ka tirsan ciidamadii ku sugnaa xerada la weeraray.

Xerada Hiilweyne ayaa u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad, waxaana ay qiyaastii dhowr iyo labaatan KM u jirtaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

weerarkan ayaa shabaha kii habeen ka hor ay Al-shabaab ku qaaday Hotel SYL ee magaalada Muqdisho.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com