HomeUncategorized

8,000 oo Qaxooti Somali ah oo ka soo Laabtay Kenya

Somalia, 16, February, 2016-(Daljir)_Hay’adda Qoxootiga Adduunka ee UNCHR, ayaa sheegtay maanta in qoxooti Soomaaliyeed oo tiradoodu tahay 8,003 Ruux oo Xeryaha ku yaalla Kenya ee Dhadhaab, ayaa dib loogu celiyay Dalkooda Somalia, Kuwaasoo intooda badan dhulka la marsiiyay.

Khudbadii marwo Caasha Geelle Diriye, wasiirka haweenka & horumarinta qoyska ee sannadguurada 12-aad ee aasaaska dawlada Puntland.
DHEGEYSO-Shirkii maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo baaqday.
Munaasabad xusuus iyo duco ah oo loo samayn doono Alle ha u naxariistee Warsame C. Shirwac. [Akhris …]
Somalia, 16, February, 2016-(Daljir)_Hay’adda Qoxootiga Adduunka ee UNCHR, ayaa sheegtay maanta in qoxooti Soomaaliyeed oo tiradoodu tahay 8,003 Ruux oo Xeryaha ku yaalla Kenya ee Dhadhaab, ayaa dib loogu celiyay Dalkooda Somalia, Kuwaasoo intooda badan dhulka la marsiiyay.
 
UNCHR ayaa Warbixinteeda ku sheegtay in bishii Jannaayo ee Sannadkan 2016-ka ay dib ugu laabteen Somalia 218-qof oo Qoxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasoo dhulka la mariyay, iyadoo xustay in qoxootigan oo lagu celiyay degmooyinka Baydhabo oo ka tirsan Gobolka Bay iyo degmada Luuq ee Gobolka Gedo lagu qaaday shan bas oo dhulka maray.
 
Sidoo kale, Hay’adda Qoxootiga Adduunka ayaa Hadalkeeda ku dartay in dib loo Furay in Qooxotiga Soomaaliyeed ee Dhadhaab la mariyo dhulka, kaddib markii ay bilooyin ka hor xayiraad saartay in dhulka la mariyo qoxootiga, taasoo ay ku sababeysay Roobab badan oo ka da’ay Koonfurta Soomaaliya iyo Waddooyinka oo aan hagaagsanayn.
 
“Qoxootigan dib loogu celiyay Degmooyinka Baydhabo iyo Luuq waxay noqonayaa kuwii ugu horeeyay ee dhulka la mariyo tan iyo markii la joojiyay in qoxootiga la mariyo dhulka Bishii Oktoobar ee Sannadkii hore 2015-ka, Xilligaasoo Roobab ay jireen,” ayay UNHCR ku tiri Warbixin ay kasoo saartay Magaalada Nairobi.
 
Warbixinta ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Qoxooti Soomaaliyeed oo Tiradoodu ay dhan tahay 1,902 oo ruux oo ay Qaadeen Siddeed Gaari oo xamuul ah ay ku wajahan yihiin Somalia, kuwaasoo haatan ku sugan xaruntooda Dhoobley.
Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa waxay tan iyo markii ay Muqdisho isaga baxeen sannadkii 2011-kii ka geysteen Magaalada Muqdisho Qaraxyo ay qaarkood si gaar ah ula beegsadeen Hoteello iyo Xarumaha Dowladda Somalia sida dhismaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: