HomeUncategorized

7 caruur ah oo u geeryootay cuduro ka dilaacay roobabkii ka da?ay gobolka Gedo.

Garbahaaray, Nov, 08 ? Inta la hubo 7 caruur ah ayaa u geeryootay cuduro kale duwan oo ka dilaacay deegaano hoos-yimaada gobolka Gedo, kaddib markii roobabkii dayrta ee ka da?ay gobolka ay gabaad ka soo dhigteen.

DHAGAYSO:Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo wariye Abdinaasir
Nabadoon lagu xiray magaalada Bosaaso
Nabadey Saalax Xaashi Carab (1955 ? 2010): Qudbi-suugaaneed Kaloo Galbaday, Maxamed Daahir Afrax.

Garbahaaray, Nov, 08 ? Inta la hubo 7 caruur ah ayaa u geeryootay cuduro kale duwan oo ka dilaacay deegaano hoos-yimaada gobolka Gedo, kaddib markii roobabkii dayrta ee ka da?ay gobolka ay gabaad ka soo dhigteen.

Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo ka mida mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda gobolka Gedo ayaa arrintaasi u xaqiijiyay Radio Daljir, waxaana sidoo kale uu sheegay xildhibaanku inaysan jirin wax-deeqo ah oo soo gaaray gobolka Gedo.

Roobab aad loogu diirsaday ayaa si is-daba joog ah uga da?ayay muddooyinkii ugu dambeeyay guud ahaanba gobolka oo dhan, waxaana wali ku sugan deegaano badan oo gobolka ka mida ciidamada milatariga dalka Kenya oo dagaal culus kula jira kooxda Al-shabaab.

Md. Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxaa uu walaac ka muujiyay barakac xooggan oo ka socda magaalada Baardheere oo ay gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab, waxaana mudanuhu uu shaaca ka qaaday in bulshadu ay ka cabsi qabaan in waxyeelo ka soo gaarto duqaynta ay ku dhawaaqday in xukuumadda Kenya ay ka fulin-doonto 10-magaalo oo ka mida meelaha ay gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir http://daljir.com/

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: