HomeUncategorized

?4 ka mid ah burcad-badeedii xeebta joogtay ayaan gacanta ku dhignay, markabkiina Hobyo wuu ka dhaqaaqay? Faro-badan?.

Caption ...

Baahin: Khamiis 24 Oct -2013, Caawa Iyo Daljir, Weriye Khadar Cawl Ismaaciil ~ Daljir ~ Buuhoodle
Yuusuf Indha-cadde oo la sii daayey, laguna eedeeyey in uu qarsoodi ku soo galay Ugandha.
Soomaali-American-kii ugu Horreeyay oo loo Dhaariyay Booliiska Magaalada Portland

Hobyo, Feb, 27 ? Maamulka Galmudug ayaa hawl-gal ay ku fuliyeen degmada Hobyo waxay kusoo qabteen 4 ka mid ah burcad-badeedii dhawaan afduubatay markabkii u ararrnaa ganacsatada Somaliland.

Talyaha ciidanka booliska degmada Hobyo ee maamulka Gal-mudug C/wali Xassan Xirsi ?Faro-badan? oo waraysi siiyay radio Daljir ayaa shaaca ka qaaday in hawl-gal dhamaystiran oo ay ku qaadeen burcadaasi uu kaga dhaawac-may mid ka mid ahaa saraakiishii ciidanka hoggaaminayay, hase ahaatee waxaa uu faro-badan tilmaamay inay ku guulaysteen in burcad-baddii ay markabka kala dhaqaaqaan xeebta degmada Hobyo oo maal-mo ugu xirnaa.

Talye C/wali Xassan Xirsi ?Faro-badan? ayaa caalamka ka codsaday in Galmudug lagala shaqeeyo sidii ay xeebaha Hobyo iyo Xarar-dheere uga sifayn lahaayeen burcad-badeedda Soomaaliyeed oo deegaannadaasi saldhigyo waaweyn ka samaystay.

Waa markii ugu horaysay ooh awl-gal baaxadaasi le?eg ay qaadaan ciidanka maamulka Galmudug ay kusoo qab-qabtaan kooxo burcad-badeed ah, balse tillaabadaan ayaa dhiirigalinaysa maamulka Ximin iyo Xeeb oo iyana la tilmaamo inay hooy u yihiin deegaannnada ay ka taliyaan burcad-badeeda Soomaaliyeed.

Diiwaanka Wararka
Kooshin Daljir Garowe.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: