12 Qof oo lagu dilay dalka Itoobiya & faahfaahin kasoo baxaysa

HomeWararka

12 Qof oo lagu dilay dalka Itoobiya & faahfaahin kasoo baxaysa

Ugu yaraan 12 qof ayaa lagu dilay gobolka galbeedka Itoobiya ku yaalla ee Benishangul-Gumuz, iyadoo wax ka yar labo toddobaad kahorna ay rabshado nooc

Faahfaahin laamaha ammaanka iyo qaraxa Muqdisho ka dhacay (dhegayso/sawiro)
Saldanada Cuman iyo DFS oo heshiis kala saxiixday (Sawiro)
Wajigii Kowaad ee dhismaha Waddada Garowe iyo Gaalkacyo oo meel wanaagsan maraysa (dhegayso)

Ugu yaraan 12 qof ayaa lagu dilay gobolka galbeedka Itoobiya ku yaalla ee Benishangul-Gumuz, iyadoo wax ka yar labo toddobaad kahorna ay rabshado noocan oo kale ah ka dhaceen gobolkaas.

Afhayeen u hadlay gobolkaas oo lagu magacaabo Melese Beyene, ayaa sheegay in rabshadaha ay ahaayeen “isku dhacyo u dhaxeeya shakhsiyaad” isla markaana la xiray dadkii ku lugta lahaa.

Balse sarkaal sare oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa mucaaradka ah ee Amxaarada, Desalegn Chane, ayaa sheegay in xiisaddu ay daba socoto tii hore gobolka uga dhacday ee la xiriirtay isirka.

Wuxuu sheegay in tirada dhimashada ay gaari karto 18.

Toddobaadkii la soo dhaafay saraakiil ka tirsan gobolkaas ayaa sheegay in 14 qof lagu dilay weerarro ka dhacay halkaas. Afar iyo toban kale oo la sheegay inay ahaayeen kuwii weerarka soo qaaday ayaa sidoo kale la dilay.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: