Prof. Dhoollayare: “Sacuudigu Waligiis Soomaaliya wuxuu la Dabataagnaa Hagardaamo” (waraysi)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Prof. Dhoollayare: “Sacuudigu Waligiis Soomaaliya wuxuu la Dabataagnaa Hagardaamo” (waraysi)

Wali waxaa ka taagan khilaafka Khaliijka oo meel sare gaaray kaas oo weli ay go'doon heer gobol ah uu ku jiro wadanka yar ee Qadar ayna saareen wadama

Prof. Jannagale oo taageeray mamnuucidda DP World sheegayna in uu yahay musharrax Madaxweyne Puntland (dhegayso)
Todobaadkan iyo halganka SSC-Khaatumo iyo xasiloonida deegaanada la xoreeyey
Laaluush, Ballanqaad, Ciidan kala Wareejin iyo Fashil Cusub oo soo Foodsaaray Villa Somalia

Wali waxaa ka taagan khilaafka Khaliijka oo meel sare gaaray kaas oo weli ay go’doon heer gobol ah uu ku jiro wadanka yar ee Qadar ayna saareen wadamada gobolka ee khaliijka la isku yiraahdo.

Prof. Dhoolayare wuxuu xusayaa hagardaamooyinka Sacuudiga uu Soomaaliya ku hayey illaa iyo waagii xorriyadda, ahaana dalka ugu horreeya oo hortaagan in Soomaaliya la soo baxdo khayraadkeeda dabiiciga ah.

Prof. Dhoolayare wuxuu si gooni ah u xusayaa mashruucii biyoxireenka Baardheere ee korontada siin lahaa koonfurta Soomaaliya oo dhan oo markii Yurub lacagta soo shubtay uu Sacuudigu tiisii diiday, halkaasna uu mashruucii ku burburay. Wuxuu kale oo xusayaa siyaasadda uu Sucuudiga ku hayo xoolaha Soomaalida iyo cudurada uu jeebka kala soo baxo markii uu rabo in uu Soomaaliya dhaawaco.

Horay ayaa aqoonyahano Soomaali ahi ku eedeeyeen in Sacuudigu siyaasadda xagjirka iyo taageerada ururada xagjirka ahiba ay u tahay siyaasad dibadeed uu danaha Sacuudiga ku fuliyo, dhibka Soomaaliya maanta dhankaas ka haystana uu yahay mid ka soo unkama Sacuudi Carabiya.

Cabdi Xakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe, ayuu Barafosoorku u waramay.

DHEGAYSO

Xumaantii Sacuudiga oo Gaartay in Geela Qadar Harraad u Le’do

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: