Madaxweynaha DFS oo kulan la qaatay Madax ka socota Bangiga Aduunka

HomeWararka

Madaxweynaha DFS oo kulan la qaatay Madax ka socota Bangiga Aduunka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan soo dhaweyn ah la qaatay Madax ka socotay Bangiga Addu

Wakiilka QM ee Soomaaliya Nicolas Haysom oo shaqadii la wareegay
Bareeda, GARDAFUU, oo weli go’doon ku jirta (dhegayso)
Al Xaramayn Hotel And Resturen Oo dib uhabayn balaaran lagu sameeyey 4-9-2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan soo dhaweyn ah la qaatay Madax ka socotay Bangiga Adduunka oo dalka u yimid dhammeystirka hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo haatan gabo-gabo maraya.

Kulankan oo ay qeyb ka ahayd qado sharafeed Madaxweynuhu uu u fidiyey Madaxda ka socotay Bankiga Adduunka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

Dhanka Bangiga Adduunka waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyne Kuxigeenka Bangiga Adduunka ee Arrimaha Afrika Mudane Hafez Ghanem, Agaasime-Goboleedka Afrika ee Hayadda Caalamiga ah ee Maal-gelinta Dhaqaalaha Marwo Jumake Jagun-Doknmu, Agaasimaha Howl-gelinta Bangiga Adduunka ee Kooxda Afrika Mudane Anne Kabagambe, Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Marwo Puteri Watson.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0