Guddoomiye Muufo: “Mashaariicda ugu badan Madaxweyne Deni ayaa degmada Jarriiban ka hirgaliyey ma waxaan ugu abaalgudi karnaa waxba ma qaban? (dhegayso)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Guddoomiye Muufo: “Mashaariicda ugu badan Madaxweyne Deni ayaa degmada Jarriiban ka hirgaliyey ma waxaan ugu abaalgudi karnaa waxba ma qaban? (dhegayso)

Guddoomiyaha degmada Jariiban Maxamuud Maxamed Muufo ayaa wax laga xishoodo ku tilmaamay hadalkii shalay ka soo yeeray Xildhibaan Cawil Daad oo kamid

Maxay ku kala duwan yihiin doorashadii golaha degaanka ee ka dhacday 3 degmo iyo tan hadda ee Puntland?
Caddaalad Ama Caro Eebe: Farriin ku socota Xildhibaanada cusub ee Puntland
Somaliland oo ku jabtay dagaalkii maanta, kuna wayday ciidankeedii iyo cududdeedii hub

Guddoomiyaha degmada Jariiban Maxamuud Maxamed Muufo ayaa wax laga xishoodo ku tilmaamay hadalkii shalay ka soo yeeray Xildhibaan Cawil Daad oo kamid ah golaha wakiilada Puntland, horena uga mid ahaa xukuumaddii dhacday ee Madaxweyne Gaas.

Guddoomiye Muufo waxa uu sheegay in mudadii ay jirtay xukuumada Madaxweyne Deni mashaariic farabadan ay ka hirgalisay gobolka Mudug, siiba Jarriiban iyo Garacad, kuwaas oo aan horay looga baran dowladihii kala duwanaa ee Puntland soo maray. Sidaas darteed Guddoomiye Muufo waxa uu shacabka ugu baaqay in ay xukuumada isgarabtaagaan.

Guddoomiyaha ayaa hadalkaas ka sheegay munaasabad lagu abaalmarinayey qaar kamid ah macalimiinta Dugsiyada Hoose iyo Sare ee degmada Jariiban.

Hoos ka dhegayso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: