Dagaal khasaare geeystay ka dhacay gobalka Hiraan

HomeWararka

Dagaal khasaare geeystay ka dhacay gobalka Hiraan

Dagaalkaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa Kooxda la Magac baxday Macawiisleey iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab waxaa uu ku dhexmaray deegaan

Maraykanka oo Ka Hadlay Duqayn uu Ka Fuliyey Duleedka Muqdisho
Warka Fiidnimo, Cumar Lakiman, Daljir Cabudwaaq (dhegayso)
Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Kenya

Dagaalkaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa Kooxda la Magac baxday Macawiisleey iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab waxaa uu ku dhexmaray deegaan duleedka ka ah degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaan lagu Magacaabo Waab-weyn halkaas oo meel u dhow ay ku sugan yihiin kooxda Macawiisleey,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal mudo sacad ku dhow socday.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalkaas ay ku geeriyoodeen saddex ruux halka qof kale uu ku dhaawacmay.

Gudoomiyaha Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan Cabdi Muumin Cilmi ayaa sheegay in ay gacan siin doonaan kooxda Macawiisleey ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0