Afghanistan: Qarax dad ay ku dhinteen oo ka dhacay Masjid

HomeWararka

Afghanistan: Qarax dad ay ku dhinteen oo ka dhacay Masjid

Ugu yaraan 28 ruux ayaa ku dhimatay tiro kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay masaajid ku yaalla dalka Afghanistan, xilli ay socotay salaaddi Jim

Santarka Gole ee degmada Dannood oo kamid ah meelaha abaar darani saamaysay
Saaka & Dunida iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Buuhoodle (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)

Ugu yaraan 28 ruux ayaa ku dhimatay tiro kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay masaajid ku yaalla dalka Afghanistan, xilli ay socotay salaaddi Jimcaha, sida ay saraakiil sheegeen.

Weerarkaasi ayaa imaanaya maalin un ka idb markii QM ay sheegtay in fowdada dalkaasi ka jirta ay gaartey heer aan la aqbali karin.

Qaraxa, oo sida ay goob joogayaal sheegeen sababay in uu masjidka soo dumo, ayaa ka dhacay gobolka bariga ku yaalla ee Nangarhar, waxana ku dhaawacmay 55 qof oo kale, sida uu xaqiijiyey afhayeen u hadlay maamulka gobolka Attaullah Khogyani, oo AFP la hadlay.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, oo aan illaa iyo hadda la shaacin nooca uu ahaa.

Gobolka, ayaa waxaa a howl-gala kooxda Taliban iyo kooxda isku magacowday dowladda Islaamiga ah ee Daacish

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: