Xaalad Bani’aadanimo oo laga soo sheegayo qeybo ka mid ah Gobolka Gedo

HomeWararka

Xaalad Bani’aadanimo oo laga soo sheegayo qeybo ka mid ah Gobolka Gedo

Dad u badan Haween iyo Caruur oo ka barakacay duqaymaha diyaaradaha ay wadaan ciidamada Kenya Gobolka Gedo iyo Abaaraha ayaa gaaray gaaray magaalooyin

Daljir & BBCMA: Baraarugga Haweenka – Taxanaha 25aad (Xaawo Axmed iyo Maxamed Xasan Dhalo – dhegayso|daawo)
Sheeko Gaaban: Sheekada Ismadhaanto – Taxanaha 5aad
Saaka & Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Qardho (dhegayso)

Dad u badan Haween iyo Caruur oo ka barakacay duqaymaha diyaaradaha ay wadaan ciidamada Kenya Gobolka Gedo iyo Abaaraha ayaa gaaray gaaray magaalooyinka Baardheere, Ceelwaaq iyo Garbahaarrey.

Wararka aan ka heleyno gobolka Gedo ayaa sheegaya in dadka ku dhaqan halkaasi ay isaga barakaceen guryahoodi, kaddib markii ay soo food saartay xaalad Banii’aadanimo oo aad uliidata.

Dadkaan oo u badan haween iyo caruur ayaa intooda badan isaga soo barakacay Deegaannada Deeraq, Faxfaxdhuun, Daarusalaam, Ceel-Raam, Koolbaay, Buusaar iyo Cowsqurun oo ka kala tirsan Degmooyinka Baardheere, Garbahaarrey iyo Beledxaawo ee Goboka Gedo, waxayna lug ku tageen magaalada Baardheere oo qiyaastii u jirta 250km halkii ay daganaayeen.

Barakacayaashan oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ay ka soo hayaameen Xaalado Abaareed & duqaymaha diyaaradaha Kenya ay ka gaystaan qaybo ka mid ah gobolka Gedo, waxayna intaas ku dareen in laga laayey xoolihii ay dhaqan jireen, sidoo kalena laga jaray Isgaarsiintii ay ku tiirsanayd noloshooda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: