Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Qorshaha 9-aad Ee Horumarinta Qaranka (Daawo)

HomeWararka

Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Qorshaha 9-aad Ee Horumarinta Qaranka (Daawo)

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen Muqdisho, waxa ay ku meel mariyeen qorshaha sagaalaad ee horumarinta qara

Ra’iisul Wasaare khayre oo ku Guuleystay in heshiis Nabadeed laga gaaro Colaaddii u Dhexeysay Bulshada Huurshe iyo Xeraale. (Daawo)
Caawa & Daljir iyo Xasan Heykal, Daljir Garoowe (dhegayso)
Xasuuqi Zoobe Su’aashii Gurmadka Kadib Nooga Dhig!!

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen Muqdisho, waxa ay ku meel mariyeen qorshaha sagaalaad ee horumarinta qaranka oo golaha ay u soo gudbisay wasaaradda qorsheynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Qorshaha sagaalaad ee horumarinta qaranka oo bedel u noqonaya qorshaha sideedaad ee horumarinta qaranka oo ku eg dhammaadka sannadkaan, ayaa Soomaaliya u fududeynaya cafinta deynta lagu leeyahay, waxa uunsa sidoo kale dalka ku hoggaaminaya waddada kobcinta dhaqaalaha iyo yareynta faqriga inta lagu guda jiro shanta sano ee soo socota (2020-2024).

Hadafka qorshaha sagaalaad ee horumarinta qaranka ayaa ah yareynta saboolnimada iyo sinnaan la’aanta iyada oo loo marayo kobac dhaqaale oo loo dhanyahay, shaqo abuur, hagaajinta amniga, sare u qaadidda sharciga iyo kala dambeynta iyo xoojinta xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

Wasaaradda Qorsheynta ayaa diyaarinta qorshaha horumarinta qaranka oo la daah-furay Deseembar 19, 2018, waxa ay wadatashiyo kala sameysay dowlad gobaleedyada, baarlamaanka, iyo dhamaan bulshada qeybaheeda kala duwan oo ku daray talooyin qayb ka qaadanaya horumarinta qaranka shanta sano ee soo socota.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: