Madaxweyne deni oo shahadooyin gudoonsiyeey xubnihii ka shaqeyeey Shirkii Maalgashiga Puntland.(Sawiro)

HomeWararka

Madaxweyne deni oo shahadooyin gudoonsiyeey xubnihii ka shaqeyeey Shirkii Maalgashiga Puntland.(Sawiro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Munaasabad Casho Sharaf ah Xalay u sameeyay Guddigii iyo xubnihii kala duwanaa ee k

Qiimaha gaadiidka Badda lagu raaco ee GARDAFUU iyo Boosaaso oo qaliyoobay (dhegayso)
XULASHADA DALJIR | DEEQO LADAN BASHIIR | BOSAASO
Taliska Nabadsugida gobolka Gedo oo Saraakiisha ciidamada Itoobiya kala hadlay amniga xaduudaha

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Munaasabad Casho Sharaf ah Xalay u sameeyay Guddigii iyo xubnihii kala duwanaa ee ka shaqeeyay qabsoomida Shirkii Maalgashiga Puntland, oo (15-17), September 2019 ku qabsoomay Caasimada Puntland ee Garoowe.

Munaasibada Casho Sharafta ah ee loogu mahadceliyey dadkii ka shaqeeyay qaban qaabinta iyo diyaarinta Shirka, waxaa ku weheliyey Madaxweynaha xubno ka tirsan Goleyaasha kala duwan ee Dowladda Puntland, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Puntland, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Dowladda Puntland, Qurbo joog iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u mahadceliyey Guddigii Dowladdu u xilsaartay qabashada Shirka Maalgashiga Puntland iyo dhammaan dadkii kala shaqeeyay qabsoomida Shirka. Wuxuu Bogaadiyey Madaxweynuhu doorkii ay qaateen Laamaha Amniga, Warbaahinta, Kooxaha Farsamada sida shirkada Maamuus, Maamulka Hoteelka Martisoor, Doorkii gabdhuhu qaateen, Shirkadda Tarjumaada Luuqadaha iyo dhammaan cidkastoo si uun uga qeyb qaadatay qabsoomida Shirka.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shahaadooyin gudoonsiiyey xubno metalaya guddiyadii iyo dadkii kala shaqeeyay qabsoomida Shirka Maalgashiga Puntland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: