Somaliland oo beenisay inay xiriir la leedahay Alshabaab

HomeWararka

Somaliland oo beenisay inay xiriir la leedahay Alshabaab

Abaandulaha Ciidanka Somaliland oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa ka hadlay dagaal ka dhan ah Somaliland oo dhawaan uu

Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)
Farmaajo oo la kulmay Wasiirka arrimaha gudaha kenya
Madaxweyne Farmaajo oo Beesha Caalamka ka codsaday in la xoojiyo Dagaalka Alshabaab lagula jiro (dhegayso)

Abaandulaha Ciidanka Somaliland oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa ka hadlay dagaal ka dhan ah Somaliland oo dhawaan uu ku dhawaaqay taliyaha Ciidanka Puntland oo gaaray gobolka Sanaag.

Waxaa uu sheegay Abaanduulaha in Somaliland aysan dagaal diyaar u aheyn, islamarkaana ay ugu baaqayso maamulka Puntland nabad iyo xasilooni.

Waxaa uu sidoo kale beeniyay in Somaliland ay xiriir la leedahay Al-Shabaab isagoo sheegay in degaanada Somaliland Al-Shabaab aysan ku laheyn wax saldhig laakiin ay ku leeyihiin degaano ka mid ah Puntland.

Abaanduulaha ayaa sheegay in Somaliland ay gacanteeda ku soo celin doonta degmada Badhan oo dhawaan Puntland ay sheegtay in ay la wareegtay.

Xiisadda ka dhaxeysa Puntland iyo Somaliland ayaa xoogeystay maalmihii ugu dambeeyay, waxaana labadda dhinac ay isku diraayeen Hanjabaadyo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: