Muqdisho oo lagu qabtay shir loga hadlayo khatarta dhoofinta dhuxusha

HomeWararka

Muqdisho oo lagu qabtay shir loga hadlayo khatarta dhoofinta dhuxusha

Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa shir guddoomiyey shir lagu ansixinay

Madaxweynaha Jubbaland oo Beesha caalamka uga warbixiyaay Dagaalka Alshabaab lagula jiro (dhegayso)
Musharax Maad “Waxaan yaraynayaa cadadka qaadka soo gala Puntland”
Saaka & Dunida iyo Cumar Lakiman, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)

Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa shir guddoomiyey shir lagu ansixinayey siyaasada dhuxusha Qaranka Soomaaliya.

Kulankan oo u jeedkiisu ahaa ansixinta Siyaasada dhuxusha Soomaaliya ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya oo kaashaneysa hay’adda UNEP, waxaana diiradda lagu saaray sidii la isaga kaashan lahaa joojinta jaridda dhuxusha iyo dhoofinteedaba oo laga dhaxlo nabaad-guur sababa abaaro iyo musiibooyin dabiici ah, waxaana ka qeyb galay Wasiirrada Bi’adda ee dowlad-gobolleedyada , xubno ka socday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ugu horreyay Agaasimaha Guud Bi’adda, Aqoon-yahanno , Iskaashatada dhuxusha, Haweenka ka ganacsado dhuxusha iyo marti sharaf kale.

Qaar kamida khubarada shirka ka qeybgalay ayaa soo bandhigay xoggo iyo tusaalooyin ku saabsan dhibaatada nabaad guurka iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta haddaan laga hortagin xaalufinta dhirta.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo shirka furay ayaa sharraxay u jeeddada laga leeyahay ansixinta siyaasada dhuxusha Qaranka Soomaaliya oo laga shaqeenayey muddo hal sanno ah, wuxuuna tilmaamay in sharcigan uu horseedi doono yareynta dhibaatada deegaaneed ee ka dhasha jaridda dhirta sida Xaalufinta ,Nabaad guurka isbadallada cimiladda iyo daadadka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: