Ciidamadda Dowladda oo dhaqdhaaqyo ciidan wadda

HomeWararka

Ciidamadda Dowladda oo dhaqdhaaqyo ciidan wadda

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay waxaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan deegaanka T

Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
GAALKACYO & AFKAARTA Dadweynaha go’aanki xalay ee ay soo sareen qaar kamid ah Issimadda Puntland
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay waxaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan deegaanka Tooratooroow iyo degmada Awdheegle ee gobolkaas oo dhawaan ay Ciidamada Dowladda la wareegeen.

Saraakiisha Ciidamadaas hoggaamineysa ayaa shalay waxa ay sheegeen inay ku wajahan yihiin deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana dad ku sugan deegaanka tooratoorow ay sheegeen in saakay ciidamadu ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay howlgallo ka fulinayaan deegaanka tooratooroow iyo tuulooyinka ku dhow dhow si ay ciidamada ula wareegaan.

Dhinaca kale Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa DANAB ayaa saakay waxaa ay howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan duleedka degmada Awdheegle oo maalin ka hor Al-Shabaab ay kusoo qaadeen weerar qaraxyo ku bilaawday.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: