Xisbiga Xasan sheekh oo ka hadlay xalaada jubbaland & doorashadda

HomeWararka

Xisbiga Xasan sheekh oo ka hadlay xalaada jubbaland & doorashadda

Xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war kasoo saaray xildhibanada cusub ee Jubbaland ee maanta lagu dhaa

Dhismaha Dekadda Garacad & Safiirka Jabuuti ee Somaaliya oo Dekedda Garacad Booqday (dhegayso | sawirro)
Qaraxii Degmada Wadajir iyo Kormeerka Cisbitaalada (dhegayso)
Sidee lagu ogaaday Fanaankii Alshabaab ka tirsanaa? (Daawo)

Xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war kasoo saaray xildhibanada cusub ee Jubbaland ee maanta lagu dhaariyay Kismaayo.

Warka kasoo baxay xisbiga ayaa siddaan u qornaa:

Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) wuxuu u hambalyeynayaa xildhibaanada cusub ee dawlad goboleedka Jubaland ee maantey lagu dhaariyey. magaalada Kismaayo caasimadda ku meelgaarka ah ee DG Jubaland, tallaabadaas oo aheyd mid horey loo qaadey Isla markaana bilow u ah in doorashada hey’adaha dastuuriga ee Jubaland ay waqtigeedii ku qabsoonto.

Waxaa sidoo kale xisbiga UPD uu bogaadinayaa hawsha ballaaran ee illaa iyo hadda ay qabteen Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha Jubaland iyo sida ay uga dhabeeyeen jadwalkii ay horey u degsadeen ee tilmaamayey geedi-socodka doorashooyinka hey’adaha dastuuriga ah ee Jubaland.

Xisbiga UPD oo cuskanaya qodobka 120-aad ee dastuurka dalka ee qeexaya in dhismaha goleyaasha sharcidejinta iyo fulinta ee Dawlad Goboleedyadu ay yihiin awood u gaar ah dowlad goboleedka, laguna nidaaminayo si waafaqsan Dastuurada Maamul Goboleedyada, waxaan madaxda dawladda federaalka iyo laamaha amniga uga baaqaynaa in ay dhowraan dastuurka dalka, kana digtoonaadaan faragalin toos ah iyo mid dadban intaba, taasoo horseeda karta xasilooni darro ka dhacda deegaanadaas oo fursad siisa kooxaha argagixisada ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: