Madaxweynaha Koonfur galbeed oo xariga ka jaray dhismo cusub (Sawiro)

HomeWararka

Madaxweynaha Koonfur galbeed oo xariga ka jaray dhismo cusub (Sawiro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa xariga ka jaray Dhismaha Cusub Wasaaradda Tamarta iyo Kheyr

Aaska Abwaan Jaamac Kadiye & dhaliisha saraakiisha SSC: Waxaa maanta eedaysan oo noo ceebaysan saraakiisha beesha Harti ee qayilaysa
Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)
Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Arrimo kala duwan looga hadlay (dhegayso)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa xariga ka jaray Dhismaha Cusub Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Dowlad Goboleedka KG, taasi oo Laga hirgeliyey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Xarig jarka Xarunta Cusub waxaa Madaxweynaha ku wehlinayey Wasiirka wasaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha DFS Marwo Fowsiyo Maxamed Shekh wasiirka Tamarta iyo kheyradka biyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Iiman Cali Cabdi Madaxa hay”adda IOM Somaliya miss Diana iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa Kormeerey qeybaha ay ka koobantahay Xaruntan Cusub waxaana uu Sheegey In tani ay tahay mid muujinaysa Hormarka Hiigsiga Hormarineed ee ka ifaya koonfur galbeed.

Miss Diana Madaxa Hay”adda IOM Somaliya ayaa ka hadashay munaasabad kooban oo ay ka dhacday Gudaha Xarunta waxay Sheegtay in kan Hay”ad ahaan ay ka go’antahay inay wax ka qabtaan xaaladaha ka jira Koonfur Galbeed waxaana ay sheegtay in Qorshihii hore Shaqada ay wax ka bedelayaan si kaalin weyn ay uga geystaan Deeganada KG.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: