Jubbaland oo jawaab ka bixisay war ka soo baxay DFS

HomeWararka

Jubbaland oo jawaab ka bixisay war ka soo baxay DFS

Wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Jubbaland waxa ay cadeysay in Dowlad goboleedka Jubbaland ay u madax banaan tahay qabashada Dooras

Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Doolow (dhegayso)
Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Xukuumadda oo Ansixisay Hindise Sharciyeedyada Waddooyinka Iyo Xamuulka iyo Xadaynta Cabbirka Baabuurta

Wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Jubbaland waxa ay cadeysay in Dowlad goboleedka Jubbaland ay u madax banaan tahay qabashada Doorashooyinkeeda ayna masuul ka yihiin Gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka ee Jubbaland.

Sidoo kale Wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Jubbaland waxay cadeynaysaa in liiska odayaasha dhaqanka ee ay soo saareen gudiga xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland uu yahay kan rasmiga ah ee u diiwaan gashan Wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Jubbaland.

Jubbaland waxay hoosta ka xariiqdey inaysan Wasaarada arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Dowlada federaalku aysan wax shaqo ah ku laheyn doorashooyinka Jubbaland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: