Wararka DDS iyo Madaxweyne Cagjar oo ka qayb galay Munaasabad Muhiim ah (Sawiro)

HomeWararkaDowladda Deegaanka Soomaalida

Wararka DDS iyo Madaxweyne Cagjar oo ka qayb galay Munaasabad Muhiim ah (Sawiro)

Waxaa maanta si qurux badan loogu xusay caasimada deegaanka ee jigjiga gaar ahaan madasha shirarka kaali ee xarunta madaxtooyada DDS munaasabada xuska

SHINIILE, DDS: Maamulka oo hirgaliyay waddooyin casri ah (daawo)
ISKUTASHIGA SHACABKA (DDS) & BOGAADINTA MADAXWEYNE MUSTAFE CUMAR (daawo)
Daawo: Iyadoo maanta ay ku beegan tahayXuska Maalinta Caruurta Africa ayaa bulshada ku dhaqan jigjiga waxay ka hadleen dhibaatada uu leeyahay gudniinka fircoonigu

Waxaa maanta si qurux badan loogu xusay caasimada deegaanka ee jigjiga gaar ahaan madasha shirarka kaali ee xarunta madaxtooyada DDS munaasabada xuska sanad guurada 21aad ee ka soo wareegtay Aas-aaskii XDS.

Munaasabadan oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu sareeya Xisbiga Dimuqoraadiga Soomalida oo ay ka mid yihiin gudoomiyaha XDS ahna wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha JDFI mudane Axmed Shide Maxamed, gudoomiye ku xigeenka XDS ahna madaxwaynaha DDS mudane Musfafe Muxumed Cumar, madaxwayne ku xigeenka DDS mudane Aadan Faarax, masuuliyiin ka socday ururada EPRDF oo uu ka mid yahay madaxa ururada siyaasada iyo ururada bulshada ee EPRDF mudane Fekadu Tessema, masuuliiyiinta ururka ONLF oo uu ka mid yahay gudoomiyaha ururka ONLF mudane Admiral maxamed cumar cismaam, masuuliiyiinka ka socday ururka ururada ODP, ADP iyo ururka TPLF, hogaaminta heerarkooda kala duwan ee XDS, martisharaf, kooxaha fanka iyo suugaanka deegaanka iyo kooxda fanka iyo suugaanta xidigaha geeska.

Waxaana furitaankii munaasabadan khudbado taariikhiyana ka soo jeediyay gudoomiyaha XDS mudane AXmed Shide iyo gudoomiye kuxigeenka XDS mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo masuuliyiinta ka socday ururada bahwadaagta la ah XDS.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: