HomeUncategorized

Madaxweynaha Maamulka Bakool oo ka Hadlay Doorashadiisa

Axad, December 27, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Maamulka laga dhisay gobolka Bakool ayaa ka warbixiyey qaabkii loo doortay iyo sababta ay uga go’een maamulka Koonfur galbeed ,waxaa uuna sheegay in laga jeestay dadka deegaanada uu madaxweynaha u yahay.

USA oo shaki gelisay in la dilay dagaalyahanadii al-shabaab ee weeraray xaruunta Westgate
Baahin: Salaasa, 15 Oct, 2013 -Caawa Iyo Daljir Weriye Xaliimo Sacdiya Cabdilaahi Cali~ Daljir ~ Garowe
(Dhagayso) Farmaajo: Puntland guusha ay gaartay waxaa u suurto-galiyay waa Isku-duubnida shacabka iyo Dowladda.
Axad, December 27, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Maamulka laga dhisay gobolka Bakool ayaa ka warbixiyey qaabkii loo doortay iyo sababta ay uga go’een maamulka Koonfur galbeed ,waxaa uuna sheegay in laga jeestay dadka deegaanada uu madaxweynaha u yahay.
 
Axmed Nuur Shiikh Maxamed Madaxweynaha maamulka Bakool sare oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in degmada Bardaale lagu dhisay maamul leh Calan iyo Astaan oo ergooyin kasoo jeeda degmooyinka mudo sadex bilooda ay ku shirayeen degmada.
 
Waxaa uu tilmaamay in Xildhibaanada dowladda Fadaraalka ee kasoo jeeda sadexda degmo ay ka qayb galeen dhismaha maamulka.
 
Madaxweynaha ayaa carabaabay in dadka ka soo jeeda sadexda degmo ay xaqiraad kaga timi maamulka Koonfur galbeed ayna garteen inay ka go’aan Koonfur galbeed, islamarkaan ku heshiiyeen inay dhistaan maamul iyaga dan tooda ugu adeega.
 
Maamulka Bakool sare ayaa ka kooban sadexda degmo oo kala ah Bakool Yeed iyo Caato oo ka wada tirsan gobolka Bakool, waxayna dadka deegaanadaas sheegeen inaysan ka dhexmuuqan maamulka Koonfur galbeed, maamulka Koonfur galbeed ayaan dhankooda sheegay inaysan jirin waxyaabaha ay tabanayaan dadka deegaanadaas,balse waxay xuseen inaysan meel la fariisanayn madaxweyne sadex degmo sheeganaya.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: