Madaxweyne Trump iyo Kim Jong-ung oo maanta ku kulmaya xadka labada Kuuriya

HomeWararka

Madaxweyne Trump iyo Kim Jong-ung oo maanta ku kulmaya xadka labada Kuuriya

Madaxweynaha dalka Koonfurta Kuuriya Moon Jae-in ayaa shaaca ka qaaday in hoggaamiyaha dalka Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu aqbalay casuumaaddii uu

Musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo maanta Khudbadahooda Jeedinaya
Caawa & Daljir iyo Cabdinaasir Jeekey, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
BARE Sharmarke Cabdullahi Cali: DHABARJABKA DP WORLD

Madaxweynaha dalka Koonfurta Kuuriya Moon Jae-in ayaa shaaca ka qaaday in hoggaamiyaha dalka Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu aqbalay casuumaaddii uu u fidiyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump taas oo aheyd in uu kula kulmo aaga militeriga ka caagan ee xadka labada Kuuriya u dhaxeeya.

Kulankan Labada masuul ayaa maanta oo Axad ah dhacaya, waxaana lagu wadaa in labada hoggaamiye ay is gacan qaadaan, muddo daqiiqado ahna ay wada joogaan, sidi horayba uu bartiisa twitterka ugu caddeeyay madaxweyne Donald Trump.

Dhinaca kale Bishii Febraayo ee sannadkan ayay aheyd markii ugu dambeysay ee ay labadan hoggaamiye kulmeen, waxaana kulankaasi oo ka dhacay dalka Vietman uu kusoo dhammaaday is-afgarad la`aan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: