Kheyre oo lagu wareejiyay Gaadiid dagaal (Sawiro)

HomeWararka

Kheyre oo lagu wareejiyay Gaadiid dagaal (Sawiro)

Odayaasha dhaqanka degaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa ku wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya gaadiid dagaal iyo Maleeshiyaad hubeysan oo

Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Doolow (dhegayso)
Kenya oo ka laabatay xiritaanka xeryaha qaxootiga ee Dadhaab iyo Kakuma
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)

Odayaasha dhaqanka degaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa ku wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya gaadiid dagaal iyo Maleeshiyaad hubeysan oo degaanka ku sugnaa Sanadyadii ugu dambeeyay.

Maleeshiyaadkaan hubeysan ayaa dagaal kula jiray Ciidanka Ahlusunna oo ay sheegeen in ay dhowr jeer degaanka ay soo wareereen,islamarkaana ay ku laayeen dad Shacab ah.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in dhalinyaradda degaanka ah dhaqancelin loo sameyn doono,islamarkaana ay qeyb ka noqon doonaan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, islamarkaana sidoo kale dowladda ay la wareegi doono Ciidanka Ahlusunna ee ku sugan Dhuusamareeb.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: