HomeUncategorized

Garoonka Diyaaradaha Bosaaso oo Taliye Cusub Yeeshay

Somalia, December 17, 2015-(Daljir)_Taliyaha booliiska Puntland Cabdirisaaq Afgaduud oo ayaa shalay taliye cusub u magacaabay Garoonka diyaaradaha Bosaso kadib markii la dilay taliyihii garoonka dhawaan.

Xasan Shekh iyo Banki-Mon oo Addis ku kulmay
Safaaradda Soomaalida ee Tansaaniya oo sheegtay inuu yaraaday Soomaalidii sida sharci daradaa oga sii dhex safri jirtay dalkaasi.
Dhagayso Saakay iyo Dunida Talaado 26 April 2016 Wariye Maxamed Cabdullaahi Kooshin (Studio Daljir Garowe)
Somalia, December 17, 2015-(Daljir)_Taliyaha booliiska Puntland Cabdirisaaq Afgaduud oo ayaa shalay taliye cusub u magacaabay Garoonka diyaaradaha Bosaso kadib markii la dilay taliyihii garoonka dhawaan.
 
Cabdirisaaq Afgaduud oo la hadlayeyy warbaahinta ayaa sheegay inuu Taliye cusub umagacaabay Garoonka bosaso waxaana taliyaha loo magacaabay Garoonka lagu magacaaba Gaashaanle Aadan Muuse Jamac,oo horay usoo noqday Taliyaha saldhiga Garowe.
 
Waxaa uu sheegay taliyuhu in isbadal lagu sameeyey Saldhigayda gobolka bari,waxaa uuna xusay laanta canshuuraha isbadal lagu sameeyey,waxaa una sheegay in Aadan magacaabistisa la jaanqadayso marka laga yimaado dilkii taliyaha Garoonka isbadalka Taliyahasha gobolka bari.
 
Afgaduud ayaa tilmamaay in Aadan uu yahay qof kasoo bixi kara xilka uu umagacaabay,islamarkaana uu yahay Sarkaal mudan inuu xilkaa qabto.
 
Waxaa uu inata ku daray Afgaduud inaan wali lasoo qaban Askarigii dilay,Taliyihii Garoonka bosaso Xasan shire Amaan,walina ay ciidamadu ku daba joogaan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: