HomeUncategorized

Shir Muhiim ah oo ka Furmay Jabuuti

Talaado, Oktoobar 13, 2015 (Daljir) —Shir looga hadlayay sidii loo dhisi lahaa ciidammo heegan ah oo uu yeesho gobolka Bariga Afrika ayaa ka furmay magaalada Jabuuti ee caasimadda waddanka Jabuuti.

Dowladda Puntland oo Shaacisay Natiijada Imitxaanka Fasalka 8-aad ee Dugsiyada Dhexe ee Puntland
Hawlgallo isugu jira bannaynta jidadka xirmay & sare u qaadidda bilicda Galkacyo oo ay wali waddo dawladda hoose.
Gudoomiye Jawaari,*Madasha waqtigeedii waa dhammaaday kulana kalama yeelan xaalka Galmudug*.

Talaado, Oktoobar 13, 2015 (Daljir) —Shir looga hadlayay sidii loo dhisi lahaa ciidammo heegan ah oo uu yeesho gobolka Bariga Afrika ayaa ka furmay magaalada Jabuuti ee caasimadda waddanka Jabuuti.

Kulankaan oo sanadkiiba la qabto laba jeer, waxaa ka qeyb gala 10 waddan oo ku yaalla Bariga Afrika ayadoo hadafku yahay in la dhiso ciidan uu gobolku leeyahay oo ka howl gali kara dalalka Briga Afrika haddii loo baahdo.

Korneyl Cali Aadan Xumud oo dowladda Jabuuti u metelayay shirkan ayaa sheegay in howshan la soo billaabay 10 sano ka hor ayadoo iminka wali lagu jiro heerkii diyaarinta. Ciidanka ayaa ka ammar qaadan doona Midowga Afrika iyo Golaha ammaanka.

Generaal Axmed Sh Maxamuud oo dowladda Soomaaliya ka socda ayaa sheegay in qorshaha lagu dhisayo ciidanka heeganka ah ee Bariga Afrika uu soo socday muddo dheer.

“Ciidankani hadda ma howl-galaan laakin waxaa loo diyaarinayaa sidii ay u howl gali lahaayeen, Shirku wuxuu leeyahay saddex heer, midkani waxaa xigi doona shirka taliyeyaasha ciidammada, waxaa kaddib sii xigi doona midka wasiirrada gaashaandhigga” ayuu yiri Generaal Axmed.

Dowladaha Somalia, Burundi, Jabuuti, Rwanda, Kenya, Sudan, Ethiopia iyo dalal kale. Qorshahan waxaa taageeraya Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo dowlado kale.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: