Ganacsade lagu dilay dalka koonfur Africa

HomeWararka

Ganacsade lagu dilay dalka koonfur Africa

Allaha u Naxariistee waxaa xalay dalka Koonfur Afrika dil loogu geystay muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku Ganacsada dalkaasi Koonfur

Caawa & Daljir iyo Cabdixakiim Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Shir dhismaha dekadda Garacad iyo saamiga shirkadda oo Gaalkacyo ka furmay (dhegayso)
Farmaajo oo ubax dhigey taallada SYL

Allaha u Naxariistee waxaa xalay dalka Koonfur Afrika dil loogu geystay muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku Ganacsada dalkaasi Koonfur afrika.

Muwaadinka soomaaliyeed oo Magaciisa lagu soo koobay Nuur Dheere ayaa lagu dilay goobtiisa Ganacsi oo ku taalla Magaalada Johannesburg,waxaana la sheegay inay dilkiisa ka dambeeyeen Burcad Koonfur Afrikaan ah.

Wararka laga helayo Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegayaan in Muwaadinka Soomaaliyeed ee xalay la dilay tira ka dhowr jeer oo hore ay Kooxo Burcad ah dhaawaceen,hayeeshee ugu dambeyn xalay la dilay.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku Ganacsata dalka Koonfur Afrika ayaa aad uga walaacsan dilalka joogtada ah ee Soomaalida loogu geysto dalkaas,waxaana dilalka ay aad u kordheyn markii la galay sanadkan 2019-ka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: