Ra’iisul Wasaare Khayre oo La Kulmay Madaxda Bangiga Adduunka

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo La Kulmay Madaxda Bangiga Adduunka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Washington gudoomiye ku-xi

Ra’iisul Wasaare Khayre oo ka qeyb galay Sanad-guurada 74aad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed
Guddoomiye Muufo: “Mashaariicda ugu badan Madaxweyne Deni ayaa degmada Jarriiban ka hirgaliyey ma waxaan ugu abaalgudi karnaa waxba ma qaban? (dhegayso)
Sheeko Gaaban: Sheekada Ismadhaanto – Taxanaha 13aad

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Washington gudoomiye ku-xigeenka bangiga adduunka, Xafiz Ghanim.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Bangiga adduunka ayaa ka wada hadlay tallaabooyinka waaweyn ee dowladda Soomaaliya u qaadday dhanka dhib-u-habeynta hay’adaha dowladda, gaar ahaa nidaamka maaliyadda dalka. Labada masuul ayaa sidoo kale isla soo qaaday habsami u socodka dadaallada Soomaaliya looga cafinayo deymaha.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa qeyb ka ahaa guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Moxamed Cabdullaahi, Hantidhowrka Qaranka iyo wasiirka maaliyadda.

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka, ayaa ka qeyb gelaya shirka Guga oo ay iskugu yimaadaan hay’adaha maaliyadda dunida.

Sanadkaan waxaa jiri doono qeyb u gaar ah Soomaaliya oo lagu gorfeyn doono dhaqaalaha Soomaaliya iyo sida dunidu uga qeyb qaadan karto kobcinta dhaqaalaha dalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: