Wasiir ka tirsan DFS oo Baraawe gaaray

HomeWararka

Wasiir ka tirsan DFS oo Baraawe gaaray

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay galinki dambe gaaray

Saaka & Dunida iyo Axmed Shiikh Maxamed Tallman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Daahfuray Qunsiyadda Soomaalida ee Jiddah (sawirro)
Garlibaax:” Madaxweyne deni Aaran jaan ayaa kadhex hadlaysa,lamana amini karro,(Daawo)

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay galinki dambe gaaray degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Gaadiidka Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Maxamed Xuseen (Eelaay), Safiirkii Kenya u fadhiyey Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Xubno kale.

Ujeedada booqashada wafdigan ayaa lagu sheegay inay tahay sidii ay xariga looga jari lahaa garoonka diyaaradaha magaalada Baraawe.

Degmada Baraawe ayaa ah xarunta maamul goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya iyadoo la qorsheynayo in Maamulka Koofurgalbeed ay u soo guuraan magaalada Baraawe iyagoo haatan xaruntoodu tahay magaalada Baydhabo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: