Ciidamo kenyaan ah oo isaga baxay degaano ka tirsan Gedo

HomeWararka

Ciidamo kenyaan ah oo isaga baxay degaano ka tirsan Gedo

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa isaga baxay deegaanka Fafax-dhuun

Xulashada Daljir & Faadumo dagan, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Suldaan ku baaqay in laga wada hadlo colaadda beelaha ee gobolka Bari (dhegayso)
Madaxweyne Farmaajo oo Fasiray Heshiisyadii uu Lagalay Wadanka Masar (daawo)

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa isaga baxay deegaanka Fafax-dhuun oo ay saldhig ku lahaayeen.

Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada Kenya ayaa u baxay dhanka deegaanka Giriley ee ku taala xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Deegaanka Fafax-dhuun ayaa 80KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Intii Ciidamada ka sii baxayeen deegaanadaas ayaa waxaa lala eegtay qaraxyo miino, lama oga khasaaraha ka dhashay.

Ciidamada Kenya ayaa horay uga baxay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo, sida Ceel Cadde oo sanado ka hor isaga baxeen iyo degmada Baardheere oo sanadkii 2017 ka baxeen.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: